Jaariyad cuung jirdishay

jaariyad Lahaanshaha sawirka no credit

Jaariyad u dhalatay dalka Uganda oo laga duubay cajalad muuqaal ah iyadoo garaaceysa cunug yar oo ay haysay ayey maxkamad ku heshay dambi.

Jaariyadda, Jolly Tumuhirwe, ayaa maxkamadda u sheegtay in falka gabdha yar ee laba sana jirka ah ay ku jir dishay ay ka dambeysay gabadha hooyadeed oo dhowr jeer iyada dhangadeeysay.Hooyada ayaa beenisay eedeyntaas.

Maxkamdda waxa ay sheegtay in isniinta la ridi doona xukunkeeda.

Muuqaalka sida qarsoodiga ah loo duubay ayay ka muuqatay Tumuhirwe oo garaaceyso cunugga yar.

Waalidka gabadha yar ayaa dhacdadan u gudbiyay booliiska 13-kii November.