Maalka ay helaan ururada "jihaaddoonka"

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Daacish ayaa ah ururka ugu dhaqaalaha badan

Baaris ay BBC-da sameysay ayaa lagu ogaaday in kooxaha jihaad doonka ah ay yaraaneyso ku tiirsanaantooda deeqaha dhaqaale ee ay ka helaan hantiilayaasha.

Si aad u sareysa, waxaa la ogaaday in ururada sida, Dowladda Islaamka, Taliban iyo kooxda ka dagaallanta Soomaaliya ee Al-shabaab in ay helayaan ilo kale oo dhaqaale oo ay ka mid tahay alaab lagu iibiyo suuq madow, maamulidda kotorbaanka iyo iibinta khayraadka dabiiciga ah.

Baaristan, oo ay ka qeybgaleen khubaro ka socotay machadka Royal, ayaa lagu ogaaday in kooxda ugu daqliga badan inay tahay Daacish, xilligan casriga ah.

Waxaa lagu qiyaasay in sanadkastaa ay helaan lacag ka badan laba-bilyan oo dollar.