Dakar oo looga shirayo ammaanka Afrika

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Qarax ay Boko Xaraam ka geysatay gobolka Borno, Nigeria

Waa markii ugu horeysay oo madaxda qaaradda Afrika ay qaban qaabiyaan shir caalami ah oo looga hadlayo nabadda iyo ammaanka qaarada.

Waxaa shirkan ka soo qeyb galaya madaxweyneyaal, wasiiradda difaaca, arrimaha dibada, khuburo iyo hay'ado.

Kulankan oo ay ka soo qeyb galayaan in ka badan 300 oo qof ayaa waxa uu soconayaa laba maalmood, waxaana looga wada hadli doonaa arrimaha amniga ee qaaradda Afrika.

Ahmiyada shirkan ayaa waxa ay tahay in la sameeyo dhaqan ku saleysan nabadgalyo.

Qaban qaabiyayaasha shirkan ayaa filaya in kulankan uu noqon doono mid joogta ah oo sanad walba la qabto.

Cheikh Tidiane Gadio, oo ah wasiirkii hore ee arrimaha dibada ee dalka Senegal, ayaa sheegay in hadda la joogo waqtigii ay Afrikaanka ay iyaga dhexdooda xal u heli lahaayeen arrimaha ammaanka ee qaaradooda ka taagan.

Waxyaabaha ugu waa weyn ee qaarada faraha ba'an ku haya ayaa looga hadli doonaa shirkan oo ay ka mid tahay kooxda Boko Xaram.

Baaritaan ay BBC-da sameysay ayaa lagu ogaaday in kooxdani ay dishay 786-qof bishii November ee aynu soo dhaafnay.

Waxaa socda iskaashi heer gobal ah oo looga hortagayo kooxda Boko Xaraam.

Dalalka Nigeria, Niger, Cameroon iyo Chad ayaa waxa ay ballan qaadeen in ay diyaarinayaan 2,800 oo askari oo uu gobalka leeyahay, kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya ammaanka xuduudaha.