Japan oo doorasho qabatay

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ra'iisalwasaaraha Japan Shinzo Abe

Ra'iisalwasaaraha Japan Shinzo Abe, ayaa balanqaaday inuu sii wadayo siyaasadihiisa isbadalka dhaqaalaha kadib doorasho u eg in xisbigiisa uu ku guulaystay.

Mr Abe ayaa sheegay in Japan ay ka tagtay waqtigii mugdiga ahaa ee labo ilaa saddex sano ka hor. Laakiin wuxuu sheegay in shaqadiisa ay wali harsan tahay kala bar.

Wuxuu sheegay inuu sii wadayo qorshahiisa isbadalka dhaqaalaha oo loo bixiyay Abenomics, isagoo wata magaciisa.

Fikradaha laga soo aruuriyay dadka codaynaya ayaa sheegaya in xisbiga Mr Abe uu ku guulaystay inta badan codadka aqalka hoose ee baarlamaanka.