Baaritaanka afduubkii Sydney oo billawday

Tony Abott Lahaanshaha sawirka epa
Image caption Ra'iisalwasaaraha Australia, Tony Abott, ayaa sheegay in lala socday xaaladda ninka weerarka gaystay.

Boliiska Australia ayaa sheegay inay baaritaan ku sameynayaan dhimashada ka dhacday maqaayadda dadka afduubka loogu haystay ee Sydney.

Saddex ruux, oo uu ka mid yahay ninkii afduubka gaystay ayaa ku dhintay weerarkii ay boliisku ku qaadeen maqaayadda dadka lagu haystay.

Afduubka maqaayadda ayaa socdey muddo 16 saacadood ah.

Ra'iisalwasaaraha Australia, Tony Abbot, ayaa sheegay in dowladdiisu la socotay xaaladda ninkii afduubka geystay.

Waxaa uu sheegay inuu ahaa nin dembiyo xun horey u galay, isla markaana qabay xanuun dhanka dhimirka ah.

Mr Abbot ayaa sheegay in ninkan oo lagu magacaabo Man Haron Monis uu ahaa soo galooti ka yimid Iran, balse uu doonayay in uu falkiisa ku xiriiriyo ururka Daacish.