Shaqo joojin ka socata Belgium

Shaqo joojin ka jirta Belgium ayaa sababtay inuu istaago gaadiidkii dadwaynaha.

Shaqo joojin ayaa sababtay inay joogsadaan gaadiidka cirka, dhulka iyo tareenada iyadoo ay xirmeen ganacsiyo badan.

Boqolaal duulimaadyo ayaa la joojiyay iyo tareenka Eurostar ee aada Brussels.

Banaanbaxyada oo ka dhacaya waddanka oo dhan ayaa ah tii ugu danbaysay oo looga soo horjeedo siyaasadaha dowlada ay ku dhimayso miisaaniyada.

Dowladda ayaa qorshaynayso inay jarto £807 bilyan shanta sanno ee soo socota.

shaqo joojinta 24-ta saacadood ayaa ah tii ugu waynayd ee ka dhacda Belgium sanado badan. Waxay ku qasabtay xafiisyadaha dowladda iyo iskuulada inay xirmaan. Dekadaha waddanka ayaa xayiran.

Ururada shaqaalaha, ayaa ka soo horjeeda go'aanka hogaamiyaha Belgium uu ku doonayo inuu ku joojiyo kordhinta mishaarka sanadka danbe ee lala simayo sicir bararka.

Sharciga Belgium ayaa dhigaya in mishaarka la kordhiyo iyadoo lala simayo sicir bararka.

Waxay sidoo kale ka banaanbaxayaan dhimista shaqaalaha dowladda, iyo qorshe lagu kordhinayo da'da shaqo gabka uu ku noqon karo qofka.