Nin xaaskiisii hore iyo 5 ehelkeeda ah dilay

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Booliska oo ku hareereysan guri la'aaminsan yahay in uu ku jiro Bradley William Stone

Booliska dalka Mareykanka ayaa ku daba jira nin dil u geystay xaaskiisii hore iyo shan qof oo ehaladeeda ah, si xuna u dhaawacay qof lixaad oo ka tirsan eheladaasi.

Dilka ayaa ka dhacay magaala ku taalla waqooyi bari Mareykanka ee Philadelphia.

Xeer ilaaliyaha magaalada Philadelphia ayaa warbaahinta u sheegtay in dilka uu ka dhacay saddex meel oo kala duwan oo magaaladaasi ka tirsan.

Ninka oo lagu magacaabo Bradley William Stone, ayaa dilka u geystay xaaskiisii hore oo lagu magacaabo Nicole, hooyadeed, ayeydeed, walaasheed, sayga walaasheed iyo gabar 14 jir ah oo ay dhashay. Waxaa uu si xun u dhaawacay wiil ay habaryar u ahayd xaaskiisii hore.

Lama sheegin sababta dhabta ah ee Mr Stone ku dhalisay dilka, balse dad daris la ah ayaa sheegay in uu xaaskiisii hore uu ku haystay korinta laba caruur ah oo ay dhaleen.

Ciidammada badda ee Mareykanka ayaa BBC-da u xaqiijiyay in Mr Stone uu ka tirsanaa, uuna gaaray darajada saajinka.