Hay'ado badan oo diiwaangalintii lagala noqday

Image caption Al-Shabaab ayaa weeraro aad u waawayn ka fuliyay gudaha Kenya

Dawladda Kenya ayaa diiwaangalintii kala noqotay in kabadan 500 oo hay'adood.

15 kamid ah ayay ku eedaysay in ay xiriir la leeyihiin ''argagixisada'' .

Sdoo kale waxa dawladdu ay xayirtay lacagaha u yaala bangiyada, waxayna ka ceshatay ogolaanshihii shaqada ee ajaaniibtii u shaqaynayay hay'addahaasi.

Sargaal dawllada katirsan ayaa sheegay in hay'addahaasi ay ku guuldaraysteen in ay soo gudbiyaan diiwaanka xisaabaadkooda.

Sikastaba ha ahaatee wariyeyaashu waxa ay leeyihiin arrintani waxa ay dabosocotaa sharci cusub oo la soo bandhigay oo muran badan dhaliyay kaas oo la doonayo in lagula dagaalamo malayshiyaadka Islaamiyiinta ah.

Uururka al-shabaab ayaa si isa soo taraysa hawlgalo uga fulinayay gudaha Kenya.