Millitariga Israa'iil oo dilay Falastiini

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption ciidammada Israa'iil

Millitariga Israa'iil ayaa toogasho ku dilay nin Falastini ah, intii ay wadeen hawlgal ay dad kaga xirxirayeen Daanta Galbeed ee la haysto.

Millitariga Israa'iil waxa ay sheegeen in askartoodu ay weerar kala kulmeen galitaanka xerada qaxootiga ee Qalandiya, rasaasti ay ku jawabeena uu ku dhintay qofkaasi isla markaasni uu ku dhaawacmay qof kale.

Qof goob jooge ah ayaa sheegay in marka la toogtay 20 jirkaas uu ka daawanayay ciidanka gurigiisa korkiisa.

Dareenka u dhaxeeya Falastiiniyiinta iyo Israa'iiliyiinta ayaa sare u kacay bilihi u dambeeyay, inta badan darenkaasi waxa uu ka dhashay dhulka lagu muransanyahay ee Qudus.