Aaska carruurtii ku dhimatay weerarka Iskuulka

Waxaa magaalada Peshawar ee dalka Pakistan aas loogu sameeyay qaar ka mid ah dadkii ku dhintay weerarkii ay iskuul magaaladaasi ku yaalla ku qaadeen ururka Taliban-ka Pakistan.

Ugu yaraan 140 qof, oo u badan caruur, ayaa ku dhimatay weerarkaas.

Dalka Pakistan ayaa waxaa ka bilowday baroordiiq qaran oo 3 maalmood ah.

Talibanka Pakistan ayaa sheegay in weerarka ay uga jawaabayeen howlgallo ay ciidammada ka fuliyeen gobollada Waqooyi ee Waziristan iyo Khyber.