Xamaas oo laga saaray liiska argagixisada

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Xamaas waxa ay dagaallo la galaan Israa'iil

Maxkamadda guud ee Yurub ayaa ururka Xamaas ee Falstiin ka qaaday xayiraadii saarnayd ee sheegaysay in ay yihiin urur argagixiso.

Garsoorayaashii maxkamaddu waxa ay sheegeen in go’aanka argagixisada lagaga dhigay aysan ku salaysnayn qiimayn lagu sameeyay ficiladooda balse ay ahayd mid laga tixraacay dhaleecayno looga soo jeediyay saxaafadda iyo Internetka.

Laakiin Maxkamadu waxa ay sheegtay in wali ay sii socon doonto xayiraadihii maaliyadeed ee saarnaa muddo saddex bilood ah ama racfaanka laga soo xirayo.

Xamaas waxa ay maamushaa Qaza inteeda badan wayna bartamihii sanadkan dagaal 50 bari socday la gashay Israa’iil.