Horyaalka Soomaaliya oo maanta furmaya

Image caption Ciyaaraha magaalada Muqdisho

Horyaalka NationLink Telecom ayaa markii ugu horreysay waxaa ka qeyb qaadan doona 10 kooxood.

Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya ayaa bishii October ku kordhiyay tirada kooxaha horyaalka 2 kooxood.

Xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, 8 kooxood ayaa ka qeyb qaatay horyaalka, kooxaha lagu kodhiyay horyaalka ayaa waxa ay ka soo dalaaceen horyaalka heerka labaad, halka sanadkan aanay jirin cidd dib loogu celiyay heerka labaad.

Isbadalkan ayuu Xiriirku ku sheegay inay uga gol leeyihiin inay ku hor mariyaan ciyaaraha kubadda cagta ee Soomaaliya.

Ciyaaraha ayaa waxaa galabta lagu furi doonaa ciyaar dhex mari doonta kooxaha Horseed iyo Elman.

Kooxda haysata horyaalka ee Banadir ayaa ciyaarta ugu horreysa waxa ay la dheeli doontaa kooxda Gaadiidka.

Kooxda Banaadir ayaa horyaalkii tagay sameysay rikoor cusub kaddib markii ay ku guulaysatay horyaalka iyadoon marna laga badin. Waxayna sidaasi kula simatay kooxda Gaadiidka oo horay u haysatay rikoorkan, kaddib markii ay ku guulaysatay sanadii 1956-kii.

Kooxaha kubadda cagta ee Muqdisho ayaa sameeyay horumar sanadihii la soo dhaafay kaddib markii ay magaaladu heshay waxoogaa xasilooni ah.

Horyaalka ayaa soo jiitay xirfadlayaal ajaanib ah oo ay kooxuhu ka soo qaateen inta badan wadammada dariska.

Ciyaaraha heerka koobaad ayaa lagu dheelaa garoonka Banaadir oo kaliya halkaasi oo kumannaan taageerayaal ah ay galabkasta u daawasho tagaan ciyaaraha.

Sikastaba, garoonka weyn ee casriga ah ee Muqdisho ayaa saldhig u ah ciidammada nabad ilaalinta Midowga Afrika, sidaas oo ay tahayna ciyaaraha kubadda cagta ayaa noqday kuwo aad loo xiiseeyo gudaha magaalada Muqdisho.