Pakistan oo daldashay laba qof

Lahaanshaha sawirka epa
Image caption Militariga Pakistan ayaa qaaday howlgal ka dhan ah Taliban

Pakistan ayaa dishay laba qof oo lagu cadeeyay inay xagjiriin ahaayeen, taas oo daba socota go’aanka ra’iisul wasaaraha, Nawaz Sharif ee ahaa in la ogolaado ciqaad dil ah oo lagu qaado dadka ku lugta leh kooxaha dalkaasi ka dagaallama.

Amarkaasi ayaa soo baxay kaddib markii caruur badan lagu dilay iskuul ay kooxda Taalibaan weerar ku qaadeen isbuucan oo ku yaala magaalada Peshawar.

labadan qof ee la daldalay, ma ahan dad lala xiriirinayo weerarkii dhacay isbuucan ee masuuliyadiisa ay Taalibaan sheegatay.

Balse dilkan ayaa imaanaya iyadoo xilligan dowladda la saarayo cadaadis ah inay farriin adag u dirtay kooxaha xagjirka ah.

Mid ka mid ah raggaasi ayaa lagu helay inuu lahaa maskaxdii lagu weeraray xarunta militariga ee Rawalpindi.

Midka kale ayaa lagu helay dembi ah inuu isku deyay inuu shirqoo ku dilo madaxweynihii hore ee Pakistan, Pervez Musharraf.

Daldalaaddan ayaa dhacday saacado kaddib markii golaha xuquuql aadanaha ee Qaramada midoobey ay Pakistan ka codsadeen inay joojiso xukunka dilka ah, taas oo ay ku tilmaameen inaysan joojin karin argagixisanimada.

Dad badan oo lala xiriirinayo kooxaha dagaalka kula jira dowladda Pakistan ayaa la filayaa in dhowrka maalin ee soo socota la daldalo.