Booliska Faransiiska oo toogtay nin mindi watay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Booliska waxay baarayaan sababta weerarka keentay

Booliiska Faransiiska waxa ay sheegeen in ay toogteen oo ay dileen nin weerar ku qaaday saddex askari oo jooga saldhig ku yaala bartamaha magaalada Tours.

Mid kamid ah askarta ayaa dhaawac halis ah ay ka soo gaartay mindi uu ku duray qofka weerarka qaaday.

Ujeedada weerarkaasi lama garanayo, laakiin wararka qaar waxa ay sheegayaan in uu ninkaasi ku dhawaaqayay Allaahu Akbar, markii uu galayay saldhiga.