Duqaymo xaga cirka ah oo Qaza lagu qaaday

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption dhisme Qaza ku yaala oo ku burburay weerar hore oo ay qaaday Israa'iil

Diyaaradaha dagaalka ee Israa'iil ayaa weeraray bartilmaameedyo ku yaala marinka Qaza, waxa uu noqonayaa weerarkii u horeeyay ee noociisa ah tan iyo markii uu dhamaaday dagaalkii kontonka maalmood socday ee dhamaaday bishii sideedaad.

Weerarkaasi waxaa la sheegay in uu jawaab u ahaa gantaalo Qaza laga soo riday oo ku soo dhacay magaalada Eshkol ee Israa'iiliyiinta.

Saraakiil jooga Qaza waxa ay sheegeen in qofina uusan ku wax ku noqonin weerarkaasi.