Doorasho ka dhacaysa Tunisia

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay goobaha doorashada.

Dadka reer Tunisia ayaa codaynaya doorashada madaxweynenimada.Qofka ku guulaysta wuxuu noqon doonaa madaxweynihii ugu horeeyay ee si xor ah loo doortay taariikhda maddanka.

Afar sanno kadib kacdoonkii lagu riday Zine Abedine Ben Ali, taasoo ku faaftay waddamada carabta, Tunisa waa waddanka kaliya ee ku guulaystay isbadal dimoqraadig ah.

Wareega labaad, madaxweynaha xilka haya Moncef Marzouki, oo u dooda xaquuqda bini'aadanka ayaa la tartamaya Beji Caid Essebsi, oo ku guulaystay codadka intiisa badan wareegii koowaad.

Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka kadib markii argagixiso ay ku hanjabtay inay weerar ku qaadayaan saldhigyada doorashada.

Ciidamada ayaa meel ku dilay nin hubaysan saddex kalena qabtay oo soo weeraray saldhig codayn.