Hay'adda Lacagta ee IMF oo la eedeeyay

Lahaanshaha sawirka Getty

Cilmi Baarayaal Britain jooga ayaa sheegay in laga yaabo isbadaladii ay u ololaynaysay Hay'adda Lacagta Adduunka ee IMF in ay gacan ka gaystay in uu si aad ah ugu fido caabuqa Ebola wadamada Galbeedka Afrika.

Waxa ay sheegeen in nidaamyada caafimaadka ee wadamada Guinea, Sierra Leone iyo Liberia in ay wiiqeen shuruudaha ay IMF ku xirtay wadamadaasi ee ahaa in ay yareeyaan kharash garaynta. Afhayeen u hadlay IMF ayaa diiday in arimahaasi ay is khuseeyaan.