Marzouki oo diiday in laga guulaystay

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Taageerayaasha Beji Caid Essebsi.

Madaxweynaha kumeelgaarka Moncef Marzouki , oo xukunka hayay tan iyo 2011-kii ayaa sheegay in sheegashada guusha ay tahay mid aan dimoqraadig ahayn.

Mr Essebsi, 88, ayaa la dabaalgagayay taageerayaashiisa, isagoo u sheegaya Tunisiyaanka oo dhan hadda waxay u baahan yihiin inay isla shaqeeyaan,wuxuuna balanqaadayinuu deganaansho abuurayo.

Dadka dhaleeceeya ayaa sheegaya in guushiisa ay tahay ku soo noqoshada dowladii la riday.

Natiijada rasmiga ah ayaa la sugayaa caawa, fikradaha dadka codaynaya laga soo qaaday ayaa sheegaya inuu Essebsi helay 55.5%.

Doorashada ayaa ah qaybtii ugu danbaysay ee Tunisia ay domoqraadiyad ugu gudbi lahayd, kadib 2011 markii xukunka laga riday madaxweyne Zine- el Abedine Ben Cali.