Tunisia: Beji Caid Essebsi oo guulaystay

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Beji Caid Essebsi ayaa ku jiray dowladii Ben Cali ee kacdoonka lagu riday.

Siyaasiga reer Tunisa, ayaa la xaqiijiyay inuu ku guulaystay doorashadii madaxweynenimada ee ugu horaysay ee si xor ah loo doorto. Masuuliyiinta doorashada ayaa sheegay inuu ku guulaystay boqolkiiba konton iyo shan.

Mr Essebsi, 88, ayaa la dabaaldagayay taageerayaashiisa, isagoo u sheegaya Tunisiyaanka oo dhan hadda waxay u baahan yihiin inay isla shaqeeyaan. Wuxuu balanqaaday inuu deganaansho abuurayo.

Dadka dhaleeceeya ayaa sheegaya in guushiisa ay tahay ku soo noqoshada dowladii la riday.