Australia: Qatar argagixiso

Australia Lahaanshaha sawirka Getty

Ra'iisul wasaaraha Australia, Tony Abbot, ayaa sheegay in saraakiisha ammaanka ay kala dhexgaleen argagixiso sare oo la xiriirta qabsashadii maqaayadda qaxwada Sydney.

Isagoo ka hadlayay kaddib kulan uu la yeeshay guddiga ammaanka qaranka, ayuu Aboot sheegay heerka qatarta argagixisada ee Australia uu weli sareeyo ayna suurgal tahay in weerar uu dhaco.

Wuxuu kula dardaarmay dadka inay feejignaadaan. Hadalka Abbot ayaa yimid kaddib tacsi loo qabtay labo ruux oo lagu dilay afduubkii maqaayadda ee uu geystay nin qaxooti ahaa oo u dhashay Iran kaas oo lagu magacaabi jiray Man Haron Monis.