Sharciga ammaanka Kenya oo maxkamadda la geeyay

Odinga
Image caption Raila Odinga ayaa hoggaaminayay mucaaradka maxkamadda tegay

Mcaaradka dalka Kenya ayaa maxkamadda sare tegay iyagoo gudbiyay dacwad ay kaga soo horjeedaan sharciga ammaanka ee dhawaanatan uu ansixiyay baarlamaanka.

Hay'adaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo mucaaradka ayaa sheegay inuu yahay mid aan waafaqsanayn destuurka Kenya.

Mucaaradka ayaa doonaya in sharcigani laga soo qaado wax kama jiraan, oo dowladda laga manuuco inay dhaqan geliso.

Waxay leeyihiin waxaa uu dadka ka xayuubayaa xuquuqda aasaasiga ee uu siiyay destuurka cusub ee la ansixiyay sanadkii 2010-ka.

Waxay ka digayaan inay taageerayaashooda ugu baaqi doonaan dibedbaxyo haddii ay waayaan waddo kale oo ay ku joojiyaan dhaqangelinta sharcigan.

Guddoomiyaya guddiga madaxa badaan ee dhaqangelinta dastuurka Kenya, Charles Nyachae, ayaa horey u sheegay in sharcigan uusan waafaqsanayn destuurka.