Kismaayo: Sarkaal la dhaawacay

kismayo Lahaanshaha sawirka other

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in halkaasi lagu dhaawacay sedex qof oo uu ku jiray Col. Yaasiin Nuur Gaas oo horey uga tirsanaa maamulka magaalada Kismaayo.

Sida ay BBC-da u sheegeen dad goob joogayaal ah rag hubaysan oo ka dagay gaari ayaa weeraray hoteelka uu daganaa sarkaalkan iyadoo la maqlay tacshiirad ka dhacday gudaha hoteelka.

Dhawaaca Col Yaasiin Nuur Gaas ayaa loo qaaday Cisbitaalka Amisom ee magaalada Kismaayo.

Ma jirto cid sheegatay weerarkaasi.

Col Yaasiiin ayaa bishii June ee sanadkii hore sidaas oo kale ku dhaawacmay tacshiirad ka dhacday magaalada Kismaayo markaas oo uu ahaa gudoomiye kuxigeenka maamulkii Kismaayo isagoo markii dambe ka bogsaday dhaawacaasi.