Internet la'aan kajirta Waqooyiga Kuuriya

Lahaanshaha sawirka

Khuburadu waxa ay sheegayaan in Waqooyiga Kuuriya ay soo wajahday cilado internet oo aan horay loo arag. Iyada oo qaar ay sheegayaan in dhamaan Oline-kii uusan shaqaynaynin.

Arrintani waxa ay imaanaysaa kaddib markii Washington ay sheegtay in ay qaadi doonto jawaab u dhiganta weerarkii Internetka ee lagu qaday shirkadda Maraykanka ee Sony Pictures, shirkadaas oo samaysay filimkii shactirada ama madadaalada ahaa ee laga matalay hogaamiyaha waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un.

Dhanka kalana Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay in qorshayaashooda ay ku daraan xaaladaha xuquuqda aadanaha ee Waqooyiga Kuuriya inkasta oo arrintaasi ay ka biyo-diidanyihiin Shiinaha iyo Ruushku.

Sanadkan horaantiisii warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa hogaanka Koonfurta Kuuriya ku eedeeysay in uu gaysanayo tacadiyo baaxadwayn oo xuquuqda aadanaha ka dhan ah.