Baarlamaanka oo ansixiyay RW Cumar

Image caption Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyay ra'iisul wasaaraha cusub, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Faadhiga baarlamaanka ee maanta lagu ansixiyay ra’iisul wasaaraha cusub ayaa waxaa joogay 224 xildhibaan.

Waxaa codkooga siiyay 218 xildhibaan, mana jirin cid kasoo horjeesatay.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa 6 xildhibaan oo xilliga cod bixinta dibadda ka joogay baarlamaanka ku tirayay in ay ka aamuseen.

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa la filayaa in dhawaan uu ku dhawaaqo golihiisa wasriiradda.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan