Sierra Leone: Xayiraad Ebola soo saartay

ebola Lahaanshaha sawirka AP

Dowladda Sierra Leone ayaa kaga dhawaaqday ugu yaraan sedax maalmood oo xayiraad ah waqooyiga dalka taas oo qeyb ka ah dadaalkeeda ay ku xakameyneyso safmarka Ebola.

Afhayeen ayaa sheegay dukaamada iyo suuqyada inay xirnaan doonaan iyadoo gaadiidka aan fasaxa haysan loo ogolaaneyn wadooyinka.

Isu imaatinka diimaha ayaa la joojiyay inkastoo masiixiyiinta loo ogolaaday inay maanlinta ciidooda u dabaal dagaan.

Sierra Leone waa dalkii ugu darnaa ee galbeedka Afrika uu cudurka ka dilaaco kaasi oo in ka badan sagaal kun oo kiisas Ebola ah laga helay, waxayna WHO ka digtay in caabuqa uu weli si daran u fidayo.