W. Kuuriya oo aflagaadeysay Obama

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Sawir muujinaya filimka muranka dhaliyay ee The Interview

Dowladda Waqooyiga Kuuriya ayaa ku eedeysay Mareykanka in uu ka dambeeyay weerar dhanka internet-ka ah oo dalkaasi lagu qaaday, waxaana saraakiil dalkaasi ka tirsan ay kalmad cunsuriyad ku dheehantahay u adeegsadeen madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama.

Gudiga difaaca qaran ee Waqooyiga Kuuriya, ayaa sheegay in Madaxweyne Obama uu shakhsi ahaan mas’uul ka yahay, baahinta filim muran badan dhaliyay kaasi oo laga sameeyay isku day dil khiyaali ah, oo lagu beegsanayay madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un.

Gudiga ayaa ku tilmaamayay madaxweyne Obama daanyeer ku nool meel keyn ah.

Dowladda Waqooyiga Kuuriya ayaa beenisay in ay ka dambeysay jabsi loo geystay kombiyuutarada shirkada Sony Pictures, oo sameysay filimka muranka dhaliyay.