Ukraine: Maxabiis la kala badanalayo

Kala badalashada maxabiista ayaa waxa ay ka dhacaysa dhul labada dhinac ay dhaxdhaxaad ka yihiin oo ku yaala bariga Ukraine.

Sida ay tilmaamayaan wararku, labada dhinc ayaa markii hore sii daayey 30 maxabiis dhinaciiba.

Waxa la kala badalanayaa 222 maleeshiyaad iyo 150 askari oo u dhashay waddanka Ukraine.

Kala badeleshada ama isu wareejinta maxabiista waxay qeyb ka tahay 12 qodob oo lagu heshiiyey bilawgii bishii Septembar.

Labada dhinac ayaa sidoo kale laga doonayey in ay meel mariyaan xabad joojin. Inkastoo inta badan dagaalkii uu joogsaday, balse haddana colaadii ayaa socota.

In ka badan 1,300 qof aya ku dhintay tan iyo xabad joojinta lagu dhawaaqay. Ukraine ayaa ku eedeysa Ruushka in si firficoon u taageerayo mitidiinta.

Ruushka waa uu beeneynayaa eedeyntaasi.

Todobaadkan wadahadaladii aya dib u bilwaday, inkastoo la hakiyey iyadoo aanay ka soo bixin wax natiija ah.