Xamaas oo baajisay caruur Israa'iil booqan lahayd

Lahaanshaha sawirka AFP

Xamaas ayaa ka joojisay koox carruur ah oo reer Gaza ah inay booqasho naadir ah ku tagaan Israa'iil.

Carruurtaasi ayaa walidkood waxa ay ku dhinteen dagaalkii dhawaan dhexmaray Xasaas iyo Israa'iil.

Gaari Bas ah oo waday kooxda carruurta ah oo ka koobnayd sodon iyo todoba ayaa dib looga celiyay marinka ugu wayn ee la isagaga talaabo Gaza iyo Israa'iil.

Safarkaas oo todobaad qaadan lahaa, oo ay soo abaabuleen koox u ololeysa nabadda oo Israa'iili ah, ayaa waxa ay carruurtu boogan lahaayeen Israa'iil iyo bulshooyinka carabta ah, sidoo kale waxa ay booqan lahaayeen beerta xayawaanka lagu xanaaneeyo, waxa ayna la kulmi lahayeen madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas.

Kooxdan carruurta ah ayaa da'doodu waxa ay u dhaxaysay 5 ilaa iyo 12 sano, kusaasi oo aabayaashoood lagu dilay dagaalkii xagaaga ee u dhaxeeyay Israa'iil iyo Xamaas, ee socday 50-ka maalmood.

Xamaas ayaa sheegtay in ay booqashada u hakisay si loo dhowro hidaha iyo dhaqanka dadka reer Gaza iyo iyadoo carruurta lagu waday inay soo booqdaan goobo laga shakisan yahay.

Malek Freij, oo ah agaasimaha mid ka mid ah hay'adaha samafalka ee soo qaban qaabiyay socdaalka "Shumaca Nabadda" ayaa sheegay inay horay u martigaliyeen tiro yar oo agoon Falastiiniyiin ah.