Markab dab ku qabsaday Gariiga

Lahaanshaha sawirka
Image caption Markabka dabka qabsaday.

Gariiga ayaa samaynaya gurmad badan si loo badbaadiyo afar boqol iyo lixdan qof oo saarnaa markab dab uu qabsaday waqooyiga jasiiradda Corfu.

Wasiirka gaadiidka badda ayaa sheegay in ilaa boqol iyo konton rakaab lagu soo dajiyay doomo, laakiin dabaylo awgeed in ilaa soddomeeyo qof oo kaliya la saaray markab kale.

Ma jiro dad wax ku noqday. Ilaalada badaha ee Gariiga ayaa sheegay inay dhowr markab ay caawinayaan.