Wadaad lagu dilay Gaarisa

Lahaanshaha sawirka
Image caption Dad ku tukanaya Garisa.

Wadaadka Mohamed Ali Kheir ayaa qaraabo la ah hogaamiye sare oo Al-shabaab ah kaas oo ay doonayaan ciidamada ammaanka Kenya.

Boliiska ayaa wareejinayay magaca iyo sawirka hogaamiyaha la doonayo ee Shabaab, Maxamed Maxamuud Dulyadeyn, kaas oo la ogaaday in lagu soo dhaweeyay Gaarisa.

Dadka magaalada ayaa sheegaya in wadaadka ay xireen dad u muuqday inay yihiin saraakiil boliiska. Kaddibna meydkiisa ayaa laga helay biyo xireen u dhaw magaalada Embu ee bariga Kenya.

Boliiska Kenya ayaa sheegay inaysan waxba kala socon xarrigga iyo dilka wadaadka.

Heyaddaha xuquuqda aadanaha ayaa horay dowladda Kenya ugu eedeysay dilka aan sida caadiga loo baarin.

Sanadkan tiro culumo Muslimiin ah ayaa lagu dilay magaalada xeebta ee Mombasa, taas oo keentay inay magaalada ay muslimiinta ku badan yihiin ka dhacaan rabshado