Gariiga oo soo hormarinaya doorasho guud

Lahaanshaha sawirka
Image caption Baarlamaanka Gariiga.

Ra'iisalwasaaraha Gariiga, Antonis Samaras, ayaa sheegay in la qaban doono doorasho la soo hormariyay waqtigeeda labaatan iyo shanta Janaayo, kadib baarlamaanka markuu ku guuldaraystay inuu doorto madaxweyne cusub cod qaadistii kama danbaysta.

Doorashada la soo hormariyay ayaa dib u dhigi karta barnaamishka Gariiga uu ku bixinayso ammaahda hayadaha caalamiga iyo Midowga Yurub ay ku badbaadiyeen dhaqaalaheeda.

Suuqa saamiyada shirkadaha Gariiga ayaa hoos u dhacay. Musharaxa kaliya ee madaxweynenimada Stavros Dimas, oo uu magacaabay Ra'iisalwasaaraha ayaa heli waayay 180 cod oo uu u baahnaa.

Xisbiga siyaasadiisa tahay dhinaca bidixda ee Zyriza, ayaa doonaya inuu kordhiyo miisaaniyada dowladda uuna dib ula xaajoodo heshiiska ammaahda ee uu Gariiga la galay Midowga Yurub iyo IMF.