Rakaabka markabka Gariiga oo la badbaadiyay

Lahaanshaha sawirka
Image caption Gurmadka markabka Gariiga.

Ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay in rakaabkii oo dhan laga badbaadiyay markabkii ku gubtay badda.

Ra'iisalwasaaraha Talyaaniga, Matteo Renzi, ayaa xaqiijiyay in afar boqol iyo toddobo qof la badbaadiyay.

Mr Renzi, ayaa ammaanay shaqaalaha gargaarka oo uu sheegay inay si dhaqso ah uga hortageen xasuuq ka dhimasho badan oo badda ka dhici lahayd.

Shan qof ayaa la ogyahay inay dhinteen. Helickobtaro ayaa dadka ka soo qaaday markabka iyadoo ay jiraan dabaylo.

Dabdamiyayaasha ayaa la halgamayay dabka ka kacay dabaqa hoose. Kabtanka markabka iyo dhowr ciidanka badda ee Talyaaniga ayaa markabka saaran