Sharciga dhulka ee Hindiya

Image caption Dad ka banaanbaxaya sharciga dhulka.

Dowladda Hindiya ayaa ansixisay sharci degdeg ah si loo fududeeyo sharciyada dhulalka iyo iibinta dhulka macdanta ku jirto.

Dowladda ayaa sheegtay in talaabadan ay socodsiin doonto mashruucyo malaayiin dollar ah oo xayirnaa. Laakiin dadka dhaleecaynaya ayaa sheegay in sharciga cusub uu beeralayda iyo dadka saboolka uusan faa'iido u lahayn markii macdan laga qodayo dhulkooda.