Mareykanka oo ka qeybgalaya raadinta AirAsia

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Diyaaradda AirAsia ee la waayay ayaa weli la raadinayaa

Dawladda Maraykanka ayaa xaqiijisay in Indonesia ay soo waydiisatay caawimaad iyo in ay gacan ka gaystaan helitaanka diyaraddii Rakaabka ahayd ee lagu waayay badda Axadii.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka, Jeff Rathke, ma uusan cayimin nooca caawimaad ee la soo waydiistay.

"Safaaraddanada Jakaarta waxa ay si dhawdahay ula xidhiidhaysaa saraakiisha Indhunuusiyaanka ah, maantana waxaa na soo gaadhay codsi ku saabsan in aan gacan ka gaysano helidda diyaaradda waxaana ka baaraandagaynaa codsigaasi iyo sidii ugu haboon ee aan u fulinkarno codsigaasi caawinta ah'', ayuu yiri afhayeenka u hadlay Mareykanka.

Baadigoobka dhanka hawada ah ayaa dib u bilaabmi doona subaxa hore ee talaadada ee saaka, waxaana baaritaanka laga fulin doonaa goobo xata kafog goobtii ay diyaaraddu marilahayd.

Diyaaraddaasi oo ah nooca loo yaqaano Airbus A320 ayaa la waayay iyada oo ay sarnaayeen 162 qof, waxayna ku guda jirtay socdaal ay kaga timid Surabaya waxayna ku sii jeeday Singapore.