Sanadka cusub ee 2015 oo la soo dhaweeyay

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption 2015-ka oo si rasmi ah hadda loo guda galay

Caalamka ayaa laga soo dhaweeyay sanadka cusub, qeybo badan oo dunida ka mid ah waxa ay hadda galeen sanadka 2015-ka iyadoo inta weli waqtiga uu u dhiman yahayna ay u diyaargaroowayaan.

Dunida Islaamka ayaa ka mid ah dalalka xuska uu ka dhacay ama uu ka socdo hadda.

Somaaliya waxaa ka socdo xaflado lagu soo dhaweynayo sanadka 2015-ka, Muqdisho ayaa ka mid ah goobaha ay munaasabadahaasi ka dhacayaan.

Magaalada Hargeysa ayaa sidoo kale waxaa ka socda dabaaldegyo waaweyn, iyadoo dadka ay isku salaamayaan sanadka cusub iyo soo dhaweyntiisa.

Qeybaha Muslimiinta ay degaan ee dalka Nigeria oo aan in muddo ah lagu qaban munaasabadahan oo keli ayaa hadda laga soo dhaweynayaan sanadkan 2015-ka.

Sanadkii tagay ee 2014-ka, dunida waxaa soo maray dhacdooyiin waaweyn. Afrika ayaa u joogtay cudurka Ebola, afduubkii gabdhihii iskuulayda ahaa ee Nigeria, weeraradii lagu qaaday xarumaha dowladda ee Soomaaliya, iyo maxkamadda ICC oo tuurtay dacwaddii ka dhanka ahayd madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, iyo arrima kaloo badan.