Rakaabkii diyaaradda AirAsia oo weli la raadinayo

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ehelada ayaa ka argagaxay maydadka biyaha badda sabeynaya

Baadigoobka loogu jiro dadkii saarnaa diyaaradda AirAsia ee ku dhacday Badda Java ayaa maanta dib u bilowday.

Diyaaradda oo la waayay maalintii Axadda oo ay la socdeen 162 qof ayaa laga helay burburkeeda badda Java, balse hadda waxaa bilowday raadinta dadkii saarnaa.

Madaxa gurmadka degdegga ah ee dalka Indonesia ayaa sheegay in dadaalaada baadigoobka ay carqalad ku noqotay cimilada oo aad u xun.

Tani iyo saaka lix mayd ayaa biyaha laga soo saaray.

Dadka biyaha quusa ayaa la filayaa inay maydad badan raadiyaan, iyo qalabka wax duuba ee diyaaradda oo loo maleynayo in salka badda ay ku jiraan.

Diyaaradda ayaa luntay xilli ay ku guda jirtay safar ay uga ambabaxday magaalada Surabaya ee dalka Indonesia waxayna ku sii socotay Singapore.