Ugu yaraan 32 qof oo ku dhimatay Shiinaha

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ehelada dadka ku waxyeeloobay dhacdada oo isugu tagay cisbitaalka.

Ugu yaraan 35 qof ayaa ku dhimatay, 42 kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii ay isbuurteen dad u dabaaldegayay soo dhaweynta sanadka 2015-ka.

Arrinta ayaa dhacday waxyar ka hor inta saacaddu aysan isu badalin 2015-ka, waxayna ka dhacday magaalada Shanghia ee dalka Shiinaha, halkaas oo kumannaan qof ay isugu tageen si ay u arkaan sanadka cusub.

Sababta isbuurashadan ayaan weli la xaqiijin, balse wararka qaar oo lagu qoray baraha bulshada ayaa sheegaya in dadka lagu qiyaanay lacag been abuur ah oo fooqa sare ee dabaq laga soo daadiyay intii xafladdu ay socotay.