Tahriibayaal ku wajahan Talyaaniga

Lahaanshaha sawirka AP

Ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa la wareegay markab ganacsi oo ay saaran yihiin ilaa afar boqol oo magangalyo doon ah oo ay ka carareen shaqaalihii markabka.

Markab sita calanka Sierra Leona ayaa loo soo jiiday dekad ku taalla koonfurta dalka Talyaaniga.

Horaantii todobaadka dad soo galooti ah ayaa laga badbaadiyay markab kale oo kuwa xamuulka ah oo ay ka carareen shaqaalihii waday.

Markabka Ezadeen wuxuu muddo saacada uu iska dul heehaabayay iyadoo aanay wax shaqaale ah saarneyn, xeebaha koonfurta bari ee dalka Talyaaniga.

Hawlgalka samatabaixinta ayaa socda hadda oo ay wadaan ilaalada xeebaha Talyaaniga.

Lahaanshaha sawirka epa

Dayaarad helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada cirka ee Talyaaniga iyo ilaalada xeebaha Iceland ayaa halkaasi jooga iyaga oo qayb ka ah hawlgalka dhinaca soohdinta ee Midowga Reer Yurub.

Warar laga helay Iceland ayaa sheegaya in cimilada oo xun iyo hirarka badda oo sareeya inay caqabad ku noqdeen hawalada ladoonayo in lagu gaaro, oo dib loogu helo maamulka markabka, oo cid waddaa hadda aanay jirin.

Dadka saaran hadda waxay u tahay taasi mid aan mar dhaw dhici doonin.

Xaaladda ayay u badan tahay in aanay ku wanaagsaneyn binio'aadam markab 49 jir ah oo xoolaha uun lagu qaado.

Waxay u muuqataa inuu u diiwaangashan yahay shirkad laga leeyahay Lebanon, isla markaana uu gacanta u galay kooxo dadka tahriibiya oo waan waxba kala jecleyn.