Nin ku eedaysnaa inuu gaystay weerraradii 1998 oo geeriyooday

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Sawir laga matalay Abuu Anas al-Liibi

Mid ka mid ah dadkii lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen qaraxyadii bambaano ee 1998 loo gaystay safaaradihii Mareykanka ee Kenya iyo Tanzania ayaa geeriyooday, maalmo ka hor xilli lagu waday in lagu maxkamadeeyo magaalada New York.

Qareenka Abuu Anas al-Liibi ayaa sheegay in caafimaadka macmiilkiisa uu si degdeg ah u soo xumaaday, waxaana loo malaynayaa inuu la xanuunsanaa kansarka ku dhaca beerka.

Mr Liibi ayaa ciidammada gaarkah ah ee Mareykanka waxa ay ku qabteen Liibiya sanadii 2013-kii.

Waxa uuna ku cawday ninkaasi in la afduubay misana si xun loola dhaqmay.

Waxa uu diiday inuu wax lug ah ku lahaa weerraradii bambaano ee Nairobi iyo Dar es Salaam, weerraradaasi oo ay ku dhinteen in ka baan 220 qof.