Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaaliya: Hayadaha qurbo joogta oo kordhaya

Lahaanshaha sawirka
Image caption Hayadaha ugu danbeeyay ee xamar laga furanayo.

Waxaan munaasabadda xafiiskaasi lagu furayay laga sheegay in lacagaha lagu fulinayo mashaariicda dib u dhiska laga ururin doono Soomaalida gudaha iyo dibaddaba ku nool.

Ururukan samafal ayaa horey xafiis uga furtay gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka oo ay Soomaali badani ku nool yihiin.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan, ayaa ka waraystay hawllaha uu ururkani qabanayo Cumar Yuusf Nuur, oo kamid ah qurba joogta Soomaalida ee ku nool dalka Maraykanka haddase Muqdisho jooga.