2 ilaalada xudduuda Sacuudiga oo la dilay

Lahaanshaha sawirka

Laba ilaalada xudduuda ee Sacuudiga ayaa lagu dilay weerar xudduuda Ciraaq, qof saddexaadna waa uu ku dhaawacmay weerar qof isku qarxiyay, wasaarada arrimaha gudaha ayaa sheegtay.

Laba nin oo hubaysan ayaa hub ku furay ilaalada saacada markay ahayd 0430, meel u dhow Judayyidat Arar ee gobolka waqooyiga xudduuda.

Qof ka mid ah dadkaweerarka soo qaaday ayaa waxaa dilay ilaalada, laakiin qofkii kale ayaa isqarxiyay.

Ma jiraan koox sheegatay weerarka, laakiin Sacuudi Carabiya ayaa ku biirtay la dagaalanka Daacish.

Ciidamada cirka ee Sacuudiga ayaa ku qaadaya weerar kooxda Daacish ee jooga Suuriya.

Wasaarada arrimaha gudaga ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ay bilaabeen inay baaraan weerarka.

Mid ka mid ah ilaalada la dilay ayaa ahaa sarkaal sare oo magaciisa la yiraahdo Gen Oudah al- Belawi.

Sacuudiga ayaa geeyay kumanaan ciidan dheeraad ah xudduuda bishii July, kadib markii Daacish ay qabsatay meelo badan Ciraaq iyo Suuriya.