Tunisia oo magacawday Ra'iisalwasaare

Lahaanshaha sawirka
Image caption Xabib Essid ayaa ka tirsanaan jiray dowladii Ben Cali.

Wasiir horay uga tirsanaan jiray dowladii hore ee Zine El-Abidine Ben Cali ayaa loo magacaabay inuu noqdo Ra'iisalwasaaraha cusub ee Tunisia. Waa inuu sameeyaa dowlad isbahaysi ah oo ka kooban dhowr xisbiyo Tuuniisiyiin ah si uu u hogaamiyo dowlad leh kuraasta ugu badan baarlamaanka.

Habib Essid oo ah lixdan iyo shan jir ayaa ahaa wasiirka arrimaha gudaha intaan lagu ridin Ben Cali kacdoonkii Tunisia ee 2011.

Mr Essid ayaa sidoo kale ku jiray dowladihii kumeel gaarka ee dimoqraadiyada lagu gaarayay.