Weerar lagu qaaday Xarun wargays Faransiiska

Booliiska Faransiiska Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Booliiska Faransiiska

Rag wajiga soo qarsaday, oo hubaysan, ayaa dilay ugu yaraan 12 qof markii ay weerareen xarunta Wargays xilliyeed (magazine) Faransiis ah, oo qaab maadaysi ah wax u qora, Charlie Hebdo.

Shan qof oo kale ayaa si xun ugu dhaawacmay.

Wargayskan oo xaruntiisu ku taallo magaalada Paris ayaa koox Islaami ah horay u weerareen.

Ragga hubasayn ayaa galay dhismaha saaka, waxaana ay bilaabeen in ay toogtaan dadka iyagoo isticmaalaya qoryaha fudud ee darandooriga u dhaca.

Wararka la helay ayaa sheegaya in ilaa konton xabadood la maqlay.

Ragga weerarka soo qaaday ayaa kadibna baabuur ku baxsaday.

Howlgal ballaaran oo ay wadaan booliiska ayaa hadda socda oo la raadinaya kuwa weerarka qaaday.

Caasimadda Faransiiska, ayaa dhacdadan awgeed heegan aad u sareeya la galiyay.