Qeybta dambe ee Diyaaradda AirAsia oo la helay

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Weli waxaa la raadinayaa maydadka dadkii saarnaa diyaaradda

Maamulka dalka Indonesia ayaa sheegay inay heleen qeybta dambe ee diyaaradda AirAsia ee ku burburtay badda Java todobo maalin ka hor.

Arrintan ayaa sare u qaaday rajada laga qabo in la helo qalalbka codadka duubo ee diyaaradda ku xirnaa.

Diyaaradda ayaa la waayay xilli ay ukala safreysay Indonesia iyo Sengapore, waxaana la socotay 162 qof.

Cimillada oo xun ayaa waxa ay horistaagtay soo helidda burburka kale ee diyaaradda.

Qeybta dambe ee diyaaradda ayaa laga helay meel ka baxsan goobta laga raadinayay.