Weearar kale oo ka dhacay Paris

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Booliiska waddanka Faransiiska ayaa sii wada baadigoobka ay ku raadinayaan rag looga shakisanyahay in ay ka dambeeyeen weerar lagu qaaday jaraaidka Chalie Hebdo arbacadii.

Waxaa jira weerar kale oo dad ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Paris.

Gabar Askariyad ah, ayaa dhimatay kaddib markii nin uu rasaas ku furay waddo uu shil ka dhacay.

Booliiska, ayaa hadda raadinaya 3 nin oo hubaysan, laakiin ma cadda in ay xiriir leeyihiin shililkii u dambeeyay iyo weerarkii lagu qaaday wargayska sawir gacmeedka daabaca.

Rai'sal wasaaraha Faransiiska, Manuel Valls, ayaa sheegay in laamaha ammaanku ay labadaasi qof ee laga shakisan yahay, oo kala ah Saciid iyo Shariif ay horay u yaqaaneen.

Sherif, ayaa horay loogu xukumay in uu dagaalyahanno jihaad doon ah u diray Ciraaq.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Faransiiska, ayaa si gaar ah u sheegay in la xiray todobo qof oo xiriir la lahaa labada nin.