Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi guddiga farsamada ee G.Dhexe

Magaalada Muqdisho waxaa maanta kulan ku qaatay gudiga farsamada ee maamul u samaynta gobolada dhexe iyo danjiraha IGAD ee Soomaaliya Ambasadoor Maxamed Cabdi Afeey, waxaana kulankaasi looga hadlay caqabadaha illaa hadda hor taagan qabsoomida shirka maamul u samaynta gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Afhayeenka gudiga farsamada ee shirka gobolada dhexe, ayaa sheegay in is afgarad laga gaaray waxyaabihii ku hor gudbanaa qabsoomida shirka.

Weriyaha BBC Ibraahim Maxamed Aadan, ayaa ka waraystay arrimahaasi afhayeenka gudiga farsamada Cumar Cali Rooble, wuxuuna ugu horeyn waydiiyay caqbadaha jiray ee laga wadahadlay.