50 ku dhimatay Mozambique

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Cabitaanka guryaha lagu sameeyo.

In kabadan konton qof ayaa waqooyi bari Mozambique ku dhintay kadib markii ay cabeen qamro sumaysnayd iyagoo jooga aas.

Laba boqol oo kale oo gobolka Tete cabay qamrada ayaa la dhigay isbitaal ama sugaya baaritaan.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in qamrada oo ah cabitaan ay cabaan dadka reer Mozambique, oo laga sameeyo gallay, in dadka ay cabeen iyagoo jooga aaska.

Dhiiga dadka ayaa loo qaaday isbitaal ku yaala Maputo si loo soo baaro.