Haween isku qarxiyay waqooyi bari Nigeria

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Qiiq ka baxaya goob uu ka dhacay qarax bam gudaha dalka Nigeria

Laba haween ah ayaa isku qarxiyay magaalada Potiskum ee waqooyi bari Nigeria.

Ugu yaraan afar qof oo kale ayaa ku dhintay weerarkaasi, waxaana ku dhaawacmay in ka badan afartan qof.

Qof goobjooge ah oo ku sugan magaalada Potiskum ayaa BBC-da u sheegay in qaraxyada ay u dhaxaysay daqiiqad.

Qaraxyada ayaa lagu bartilmaameedsaday suuq laga iibsado Mobile-da.

Bamka labaad ayaa qarxay markii dadku ay isku dayeen in ay caawiyaan dadkii ku dhaawacmay qaraxii hore.

Dakhtar booqday goobta ayaa sheegay in uu arkay hadhaaga labo suumanka qarxa ee ay adeegsadeen labada dumarka ah.

Waxa uu sheegay in ay u muuqdeen in labaatameeyo sano ay jireen.

Sabtidii ayaa gabadh da'yar waxa ay weerar kale oo ismiidaamin ah ay ku qaaday magaalada ugu wayn waqooyi bari Nigeria ee Maiduguri waxaana ku dhintay ugu yaraan sagaal iyo toban qof.

Weerraradani waxa ay imaanayaan kaddib wararkii sheegayay in boqolaal dad ah lagu dilay magaalo ku taalla gobolka Borno oo ay qabsadeen Booko Xaraam.

Qalalaasaha kataagan waqooyi bari Nigeria ayaa ah mid argagax leh.

Dadka ka cararaya magaalada Baga waxa ay sheegeen in todobaadkii la soo dhaafay ay dad hubaysan oo Booko Xaraam ah ay halkaasi ku dileen boqolaal dad ah.