Ciidamada Labnaan oo galay xabis

Lahaanshaha sawirka
Image caption Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay Xabsiga Roumieh inuu noqday meel howlaha daacish lagu fuliyo.

Ciidamada ammaanka ee Labnaan ayaa galay xabsiga ugu wayn waddanka oo lagu haayo mintidiinta islaamiyiinta ah.

Masuuliyiinta ayaa sheegay inay ogaadeen teleefoono ay u soo direen dad xabsiga ku jira laba qof oo isku qarxiyay magaalada Tripoli maalmihii la soo dhaafay, taasoo ay ku dhinteen sagaal qof.

Helikobtarada Labnaan ayaa kormaray xabsiga markii ay ciidamada ammaanka ay baarayeen xabsiga, ayna u wareejinayeen maxaabiista qaar dhinacyo kale xabsiga.

Masuuliyiinta dowladda ayaa ka walaacsan in qaybaha xabiska ee buuxa ay noqotay meel sii bataan kooxaha mayalka adag.