Ban Ki- Moon oo cambaareeyay Boko Xaraam

Lahaanshaha sawirka n
Image caption Ciidamada Nigeria ayaa ku guuldaraystay inay dadka ka difaacaan Boko Xaraam.

Ban Ki-Moon ayaa sheegay in uu aad ula yaabay wararka sheegaya in boqolaal qof lagu dilay agagaarka magaalaada Baga.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa canbaareeyay waxa uu ugu yeeray falalaka qaldan oo ay geeysanayaan kooxda Boko Xaraam oo uu ku tilmaamay aragagixiso.

Magaalada Baga ayaa markii ugu horeysay kooxda Boko Xaraam waxa ay weerareen sagaal cisho ka hor.

Tan iyo markaas kaddib, ayaa dadka magaaldaasi ka soo carayay waxa ay sheegayeen in boqolaal qof la dilay oo inta badan magaaladana la gubay.

Sidoo kalana waxaa jiray dhowr qaraxyo oo la isqarxiyay oo ka dhacay waqooyi bari Nigeria.

Saraakiisha ayaa sheegaya in qaraxii la isqarxiyay oo axadii ka dhacay magaalada Maiduguri oo ay ku dhinteen 19ka-qof in ay geysatay gabar 10 sano jir ah.

Laba haween ah oo da’dooda loo maleynayo in ay tahay 20 jiro ayaa waxa ay isku qarxiyeen suuqa Potiskum ee gobalka Yobe Axadii.

Milatariga Nigeria ayaa dabayaaqada isbuucii aynu soo dhaafnay waxa ay la dagaalameen xubna ka tirsan Boko Xaraam oo isku dayay in ay qabsadaan magaalada Damaturu.

Balse guud ahaan Milatariga dalkaasi ayaa ku guul dareystay in ay ka difaacaan shacabka qalalaasahan aan dhaamadka laheyn.

Siyaasiyiinta Nigeria ayaa u muuqda kuwa diirada saaraya doorasha dalkaasi ka dhaceysa bisha soo socota.

Madaxweyne Goodluck Jonathan wali kama uusan hadlin rabshadihii ugu dembeeyay.